FADLIGA SOOMKA 
“Qofkii aan iska deyn been sheegidda iyo camallo xun, Allaah dan kama leh qofkaa inuu iska daayo cunidda iyo cabbiddiisa”
Soonku wuxuu leeyahay wanaagyo badan ee ku soo arooray sharciga waxaa ka mid ah arrimahan soo socda:
1. Qofkii sooma Ramadaan iimaan ku qab Allaah iyo u hoggaansamid amarradiisa iyo rumeyn waxa ku soo arooray ee fadli ah isagoo ka dalbaya ajar Ilaahay agtii waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, sida uu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Qofkii u sooma Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760)
2. Qofka soomani wuxuu ku farxi doonaa waxa uu la kulmi doono oo ajar ah iyo barwaaqo markuu la kulmo Allaah sababta soonkiisa, sida uu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Qofka soomani wuxuu leeyahay labo farxadood, farxad markuu afurayo, iyo farxad marka uu la kulmo Rabbigi” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151)
3. Jannadu waxaa ku yaal albaab la yiraahdo Ar-Rayaan, ayan ka gelin cidaan ahayn kuwa soonka badan, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “ Jannada waxaa ah albaab la yiraahdo Ar-Rayyaan, ay ka geli doonaan soomanayaasha Maalinta Qiyaamaha, uusan ka geli doonin axad kale oo qeyrkood ah, waxaa la oran doonaa: Aaway soomayaashii? Markaasay soo kacayaan, mana uu ka soo geli doono axad qeyrkood ah, markay galaan baa la xiraa albaabkaa, oo qof kale kama soo galo”. (Al-Bukhaari 1797, Muslim 1152)
4. Allaah Wuxuu isu tiirshey ka abaal marinta soonka iyo ajar ka siinta xaggiisa subxaanahu, qofka abaalkiisa iyo jazahiisa uu yahay xagga deeqsi aad u sharaf weyn wax bixin badan, naxariis badan, ha ku bishaareysto waxa uu Allaah u diyaariyey, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri oo xadiis qudsi ah uu ka soo weriyey Rabbigi: “ Camal kasta oo ibnu Aadam falo isagaa baa leh marka laga reebo soonka, kaasi anigaa baa leh, anigana baana ka abaal gudaya” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1321406
Today
Yesterday
All days
214
2808
1321406
2025-11-07 02:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d579087dc719599744621762482064
title_690d579087e9b20870472371762482064
title_690d579087f7b11930127351762482064
title_690d57908804a19576873991762482064
title_690d57908811612810720631762482064
title_690d5790881e215706972791762482064

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d579088eeb17519197341762482064
title_690d579088fc120027298441762482064
title_690d57908909613163213311762482064
title_690d5790891666434926361762482064

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com