FADLIGA SOOMKA 
“Qofkii aan iska deyn been sheegidda iyo camallo xun, Allaah dan kama leh qofkaa inuu iska daayo cunidda iyo cabbiddiisa”
Soonku wuxuu leeyahay wanaagyo badan ee ku soo arooray sharciga waxaa ka mid ah arrimahan soo socda:
1. Qofkii sooma Ramadaan iimaan ku qab Allaah iyo u hoggaansamid amarradiisa iyo rumeyn waxa ku soo arooray ee fadli ah isagoo ka dalbaya ajar Ilaahay agtii waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, sida uu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Qofkii u sooma Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760)
2. Qofka soomani wuxuu ku farxi doonaa waxa uu la kulmi doono oo ajar ah iyo barwaaqo markuu la kulmo Allaah sababta soonkiisa, sida uu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Qofka soomani wuxuu leeyahay labo farxadood, farxad markuu afurayo, iyo farxad marka uu la kulmo Rabbigi” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151)
3. Jannadu waxaa ku yaal albaab la yiraahdo Ar-Rayaan, ayan ka gelin cidaan ahayn kuwa soonka badan, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “ Jannada waxaa ah albaab la yiraahdo Ar-Rayyaan, ay ka geli doonaan soomanayaasha Maalinta Qiyaamaha, uusan ka geli doonin axad kale oo qeyrkood ah, waxaa la oran doonaa: Aaway soomayaashii? Markaasay soo kacayaan, mana uu ka soo geli doono axad qeyrkood ah, markay galaan baa la xiraa albaabkaa, oo qof kale kama soo galo”. (Al-Bukhaari 1797, Muslim 1152)
4. Allaah Wuxuu isu tiirshey ka abaal marinta soonka iyo ajar ka siinta xaggiisa subxaanahu, qofka abaalkiisa iyo jazahiisa uu yahay xagga deeqsi aad u sharaf weyn wax bixin badan, naxariis badan, ha ku bishaareysto waxa uu Allaah u diyaariyey, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri oo xadiis qudsi ah uu ka soo weriyey Rabbigi: “ Camal kasta oo ibnu Aadam falo isagaa baa leh marka laga reebo soonka, kaasi anigaa baa leh, anigana baana ka abaal gudaya” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630944
Today
Yesterday
All days
1653
1745
1630944
2026-04-03 11:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cfa7d80d97617607795901775216600
title_69cfa7d80d9d619005850921775216600
title_69cfa7d80da313751519661775216600
title_69cfa7d80da8c13620934271775216600
title_69cfa7d80dae613872845671775216600
title_69cfa7d80db412848089741775216600

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cfa7d8260735213088661775216600
title_69cfa7d8260da18526066531775216600
title_69cfa7d82613618444973441775216600
title_69cfa7d8261936424104201775216600

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com