FADLIGA BISHA RAMADAANKA
Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha uu ku leeyahay fadliga gaarka ah:
1. Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:“Bisha Ramadaan ee dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday, hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro”. (Al-Baqarah: 185)
2. Waa bil la furo albaabbada Jannada: Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Markuu soo galo Ramadaanka waxaa la furaa albaabbada jannada, oo la xiraa albaabbada naarta, oo waxaa lagu xiraa silsilado shayaadiinta” (Al-Bukhaari 3103, Muslim 1079), Allaah wuxuu u diyaarshay addoomahiisa inay ugu soo jeestaan falasho cibaadooyinka iyo ka tegidda waxyaalaha xun.
3. In qofkii sooma maalinkiisa oo u istaaga salaad habeenkiisa waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay danbiyo, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii u sooma Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760) wuxuu kaloo yiri: “Qofkii u kaca salaatu leyl Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horey uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1905, Muslim 759)
4. Waxaa ku jira habeenka ugu weyn habeennada sannadka oo dhan, uu noogu sheegay Allaah Kor ahaaye Kitaabkiisa in camalka wanaagsan gudahiis uu ka khayr badan yahay camalka waqtiyo badan, Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
“Habeenka Qaddarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood”. (Al-Qadar: 3). Qofkiina u kaca salaatu leyl iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, waa habeen ka mid ah habeennada tobanka dambe ee Ramadaanka, mana jiro axad u cayyimi kara si gaar ah waqtigeeda.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com