SHURUUDA SAKADA KU WAAJIBTA SARACA IYO MIDHAHA :

1- Inay waxa ka soo baxa gaaraan nisaab:
Wuxuuna ku sheegay Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam nisaabka ay ku waajbito sakada, mana ku waajibto wax ka yar, wuxuu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam  yiri: “Kuma waajibaan wax ka yar shan awsuq oo timir ah sadaqo” (Al-Bukhaari 1447, Muslim 979)
waa beeg kiilo ah, laakiinse waxaa lagu qaddaraa miisaan sareenka iyo bariiska inta u dhexeysa 580-600 kiilo garaam wixii intaa ka yar kuma waajibto sako.
2- Inay saracaa yihiin noocyada ay ku waajibto sakada.
Mana ku waajibta sakada waxaan ahayn waxa ka soo go’a beeraha ee noqon karta quud uu ku noolaado qofka markuu doorto oo la kaydsan karo iyagoo aan xumaan sida burka, sareenta, zabiibka, timirta iyo bariiska iyo galleyda, ma noocyada kala duwan se ee miraha iyo khudradda aan la kaydin karin aan la quudan karin kuma waajibto sakada sida qaraha iyo rummaanka iyo bagalka iyo bataatiga iyo kaarootada iyo fistiqa iyo looska, iwm.
3- In la soo goosto oo gurto:
Waxay ku waajibtaa sakada saraca iyo miraha markaa la goysto oo la soo gurto, mana ku xirna inuu sannad ka soo wareego markaa haddii la goosto beer labo jeer sannadkii, sakada waxay ku waajibtaa goosasho kasta, waana sidaa, haddiina uu sakada ka bixiyo kaddibna uu kaydsado oo meel dhigto sannado markaa sako kuma waajib ah sannadahaas.
4- Hantida xoolaha ah
Waxaa loola jeedaa hantida xoolaha waxa uu ku intifaaco aadmiga ee xoolaha nicmooleyda ah gaar ahaan: Geela, lo’da iyo ariga”.
Allaah wuxuu ugu gallad sheegtay addoomahiisa inuu u abuuray xoolahaa nicmooleyda ah inay ka cunaan dadka hilibkeeda oo xidhaan suufkeeda oo ay qaadaan oo sidoo kale qaadaan culeysyadooda waqtiga safarka iyo guuritaanka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Oo xoolaha daaqa wuu idiin abuuray; waxaa idiinku sugan dugaal iyo manaafacaad badan oo kale, oo iyaga ayaad wax ka cuntaan. Oo waxaa idiinku sugan (ku raaxeysiga) quruxdeed markaad u soo celinaysaan galabnimada (guriga) iyo markaad u foofinaysaan daaqa subaxa. Oo waxay u qaadaan culeysyadiinna xagga magaalo aydaan gaari karteen nafahoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan”. (An-Naxal: 5-7)
Shuruudda guud ee ka bixinta sako xoolaha nicmooleyda ah:
1. Inay gaaraan xoolahaa nicmooleyda ah nisaabka sharciga, waayo kuma waajibto waxaan ahayn hodanka, kuwase heysta tiro ay u adeegsadaan baahidooda, sako kuma waajibo, nisaabka geelana waa marka uu gaaro shan neef oo geel ah, arigana afartan neef, lo’dana soddon sac, wixii intaas ka yar kuma waajibto sako.
2. Inay ka soo wareegaan heysashada xoolahaa sannad bileed kaamil qofka iska leh agtiisa.
3. Inay yhiin xoolo aada daaq, oo ah xoolaha daaqa cowska, oo aan qofka iska leh raashimin sannadka intiisa badan.
4. Inaysan ahayn xoolo lagu shaqeysto, oo ah xoolaha uu isticmaalo qofka iska leh falidda arlada ama qaadista alaabo ama qaadis culeysyada oo kuwaasi kuma waajibto sako.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1631141
Today
Yesterday
All days
1850
1745
1631141
2026-04-03 12:46

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cfb6b5d940a3038800801775220405
title_69cfb6b5d945a18233875441775220405
title_69cfb6b5d94a619725624121775220405
title_69cfb6b5d94f211981037901775220405
title_69cfb6b5d953d19245731601775220405
title_69cfb6b5d95883035106791775220405

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cfb6b5ee2b014838825391775220405
title_69cfb6b5ee3003991670711775220405
title_69cfb6b5ee33717920982281775220405
title_69cfb6b5ee3859986101921775220405

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com