UJEEDDOYINKA LAGA LEEYAHAY SAKADA
Allaah wuxuu ku farl yeelay sakada Muslimiinta ujeeddooyin waaweyn dartood, aan xuseyno qaarkood:
1. Jaclaanta maalka waa wax ku beeran aadamiga oo ku xambaarta qofka inuu ku dadaalo dadaal dhan inuu dhowro oo ku dhego, markaasuu sharciga waajibiyey gudashada sakada ka daahirin nafsadda xumaha bukhliga iyo damaca, iyo ka zuulin jecaylka adduunka iyo ku dhegidda darfaheeda, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Ka qaad maalkooda Sadaqo (sako) aad ku daahirineyso oo aad ku barakeyneyso (maalkooda)”. (At-Towbah: 103)
2. Gudashada sakada waxaa ku hirgala mabda’a isku xirnaanta iyo wada jirka, waayo nafsadda aadamiga waxaa lagu beeray jeclaanta qofkii u axsaan fala, sidaas bay xubnaha bulshada muslimka ah ku noolaadaan iyagoo is jecel, isku duuban, sida dhismo isheysta oo qaarba uu adkeeyo qaar, waxaana sidaas ku yaraada dhacdooyinka xatooyada iyo dhaca iyo tuugada.
3. Waxaa ku hirgala macnaha addoonnimadda iyo hoggaansanka dhan iyo isu dhiibidda dhan ee la isu dhiibo Rabbiga caalamka, markuu bixiyo qofka hodanka ah sakada maalkiisa wuxuu sidaas ku dhaqan geliyey sharciga Ilaahay oo ku fuliyey amarkiisa, bixinteedana waxaa ku jira u shukrin kan bixiyey nicmaddaas, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Haddaad mahad naqdaan hubaal waan idiin kordhinayaa (khayrka), haddiise aad iga abaal dhacdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran”. (Ibraahiim: 7)
4. Waxaa ku hirgala gudashadeeda arrinka is kafaala qaadka bulshadeed, iyo isku dheella tirnaanta qaybaha bulshada, marka siinteeda dadka mudan kama yeeleyso maalka mid ag tuuran qaybo go’an ee ka mid ah bulshada oo ku gaar ah iyaga, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood”. (Al-Xashar: 7)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com