DUCADA EEDAANKA DABADII:
Waqtiga Eedaanka iyo Iqaamada u dhexeeya ducadu waa maqbuula sidaas awgeed waxa habboon in ducada la badsado. Anas bin Maalik waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ducada Eedaanka iyo Iqaamada u dhexaysa lama soo celiyo.” (Abuu Daa'uud iyo an-Nasaa'i ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa Xadiis xasan Saxiix ah). At-Tirmidi wuxuu ku daray Xadiiskaa inay Asxaabti weydiiyeen Rasuulka Alle
Salallaahu caleyhi wasalam :Maxaanu kolkaa yeelaa Rasuulkii Allow? Wuxuu yidhi: “Alle waydiista cafwi (dembi dhaaf) iyo caafimaad If iyo Aakhiroba ah .”

Cabdullah bin Camr (Ihkra) wuxuu sheegay inuu nin ku yidhi Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam:Rasuulkii Allow mu'adiniintu way naga fadli bateen. Wuxuu Rasuulki Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Dheh waxay leeyihiin, markaad dhamaysana ducayso waad heliye.” (Axmad iyo Abuu Daa'uud ayaa soo weriyey).
Al-Albaani wuxuu tilmaamay inay Xadiiska intiisa dambe ay daciif tahay.

Sahal bin Sacad isaguna wuxuu sheegay inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Laba lama soo celiyo: Ducada Eedaanka iyo ducada waqtiga Jihaadka markay ciidamadu is guda galaan.” (Abuu Daa’uud ayaa soo weriyey sanadkiisuna waa Saxiix).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com