HABKA IQAAMADA LOOGU DHAWAAQO:
Iqaamada saddex nooc ayaa loogu dhawaaqi karaa. Kuwaas oo kala ah:
1. Takbiirta hore oo afar goor lagu dhawaaqo, iyo inta kale oo laba laba goor lagu celiyo odhaahda ugu dambaysa mooyee oo uu iyada hal mar oo keliya lagu dhawaaqayo. Sidaa waxa laga soo weriyey Abii Maxduurah oo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam baray Iqaamada aan kor ku sheegnay oo ka kooban 17 odhaahood oo kala ah sidan: “Allaahu Akbar oo afar goor ah. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illal-Laah oo laba goor ah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah oo laba goor ah. Xayya Calas-Salaah oo laba goor ah. Xayya Calal falaax oo laba goor ah. Qad Qaamatis-Salaah, Qad Qaamatis-Salaah. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah .” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, at-Tirmidina wuu saxixay).
1 .Salaadda ayaa hurdada ka khayr badan.
2. Takbiirta ugu horaysa iyo ta ugu dambaysa iyo Qad Qaamatis-Salaah in midkoodba laba goor lagu celiyo, dhammaan Iqaamada inta kalena hal mar lagu dhawaaqo. Iqaamada noocan ahi markaa waxay ka kooban tahay 11 odhaahood, sida aan hore ugu soo aragnay Xadiiska laga soo weriyey Cabdullah bin Zayd oo ahaa: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah. Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah. Xayya Calas-Salaah, Xayya Calal falaax. Qad Qaamatis-Salaah. Qad Qaamatis-Salaah. Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha Illa-Laah.”
3. Habka saddexaad wuxuu la mid yahay habka labaad oo halkii Qad Qaamatis-Salaah laba goor laga odhan lahaa mar keliya la odhanayo. Waxay markaa Iqaamadu ka koobnaanaysaa 10 odhaahood oo keliya. Imaam Maalik habkan ayuu raacay waayo wuxuu arkay dadka reer Madiina oo sidaa falaya. Hase yeeshee, Ibnul-Qayim wuxuu yidhi si sax ah arrintaa loogama soo werin Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam.Sidoo kale, Ibnu Cabdul-Barr wuxuu qabaa in mar walba odhaahdaa laba goor lagu celiyo.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com