HABKA EEDAANKA LOOGU DHAWAAQO:
Eedaanka saddex nooc ayaa loogu dhawaaqaa, kuwaas oo kala ah:
1. Habka koowaad waa in afar takbiirood lagu dhawaaqo marka hore, erayada inta kalena mid walba laba goor lagu celiyo, dhawaaqa ugu dambeeyana mar keliya la yidhaahdo Laa Ilaaha Illa-Laah. Eedaanku marka sidaa loogu dhawaaqo wuxuu ka koobmaa 15 odhaahood, sida Xadiiska Cabdullah bin Zayd laga soo weriyey ee aan kor ku soo sheegnay.
2. Habka labaadna waa in afar takbiirood marka hore lagu dhawaaqo, laguna xigsiiyo iyadoo hoos loogu dhawaaqayo Ash-hadu Allaa Ilaaha Illa-Laah oo laba goor ah. Ashhadu Anna Muxammadan Rasuulullaah oo laba goor ah. Haddana intaa lagu celiyo mar labaad iyadoo kor loogu dhawaaqayo. Abii Maxduurah (Ihkra) wuxuu sheegay: “Inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam baray Eedaan ka kooban 19 odhaahood oo ah sidaan kor ku sheegnay.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey, at-Tirmidina wuxuu yidhi waa xasan Saxiix).
3. Habka saddexaadna waa in takbiirta laba goor lagu dhawaaqo iyo shahaadataynka oo mid walba laba goor lagu celiyo. Sidaas awgeed Eedaanku wuxuu ka koobmayaa 17 odhaahood. Siduu Imaam Mulsim ka soo weriyey Abii Maxduurah inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam baray Eedaanka noocaas ah looguna dhawaaqayo sidan: “Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Ash-hadu Allaa Ilaaha Illal-Laah, Ash-hadu Allaa Ilaaha Illal-Laah. Ash-hadu Anna Muxamamadan Rasuulu-Laah, Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah. Haddana mar labaad waa in lagu celiyo Ash-hadu Allaa Illaha Illal-Laah laba goor oo kale iyo Ash-hadu Anna Muxammadan Rasuulu-Laah laba goor oo kale. Xayya Calas-Salaah oo laba goor ah iyo Xayya Calal falaax oo laba goor ah iyo Allaahu Akbar, Allaahu Akbar. Laa Ilaaha IllaLaah.”

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com