SUNNAHA HADDII SALAADDA LA AQIIMO:
Karaahiyo ayaa ku jirta in salaad tadawuca ah la tukado mar haddii salaad farad ah la aqiimo. Abii Hurayra wuxuu sheegay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii salaadda la aqiimo, salaad kale lama ogola oo aan ahayn salaadda waqtigaa joogta.” (Axmad, Muslim iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey).
Cabdullah bin Sarjis wuxuu yidhi: “Nin ayaa Masjidka soo galay iyadoo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam uu salaaddii Subax tukinayo. Ninkii laba rakcadood ayuu Masjidka dhinaciisa ku tukaday, kabacdina intuu Masjidka soo galay ayuu salaaddii salaaddii Salallaahu caleyhi wasalam Rasuulku Markuu. qabsaday ku Salallaahu caleyhi wasalam Rasuulka dhameeyay ayuu ninkii ku yidhi: “Hebelow labada salaadood iyamaad tirsanaysaa, ma taad kelidaa tukatay mise taad nala tukatay?” (Muslim, Abuu Daa'uud iyo anNasaa'i ayaa soo weriyey).
Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuu inkiray arrintaa hase ahaatee, muu farin ninkaa inuu salaadda ku celiyo. Taasu waxay ina tusaysaa inay saTaasu waxay ina tusaysaa inay salaaddaasu ansaxayso, laakiin ay makruuh tahay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: “Anoo tukanaya maalin iyadoo Mu’adinku uu Iqaamada bilaabay, ayuu Nebiga Alle Salallaahu caleyhi wasalam isoo jiiday iguna yidhi: “Ma waxaad rabtaa inaad afar rakcadood tukato salaadda Subax.” (AlBayhaqi, ad-Dabaraani, Abuu Daa'uud, ad-Dayaalisii iyo Abuu Yaclaa ayaa soo weriyey iyo al-Xaakim oo yidhi waa ku saxiix qiyaasta labada Sheekh).
Abii Muusaa al-Ashcariyi (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa arkay nin tukanaya Sunnihii salaadda Fajarka iyadoo uu Mu’adinku adimayo. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ى ninkii xusulada ka taabtay kuna yidhi: “Miyaanay tani1 ka horaynin taad waddo?” (Ad-Dabaraani ayaa soo weriyey, al-Ciraaqina wuxuu yidhi sanadkiisu wuu fiican yahay).

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1321406
Today
Yesterday
All days
214
2808
1321406
2025-11-07 02:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d579087dc719599744621762482064
title_690d579087e9b20870472371762482064
title_690d579087f7b11930127351762482064
title_690d57908804a19576873991762482064
title_690d57908811612810720631762482064
title_690d5790881e215706972791762482064

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d579088eeb17519197341762482064
title_690d579088fc120027298441762482064
title_690d57908909613163213311762482064
title_690d5790891666434926361762482064

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com