SUNNAHA HADDII SALAADDA LA AQIIMO:
Karaahiyo ayaa ku jirta in salaad tadawuca ah la tukado mar haddii salaad farad ah la aqiimo. Abii Hurayra wuxuu sheegay inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii salaadda la aqiimo, salaad kale lama ogola oo aan ahayn salaadda waqtigaa joogta.” (Axmad, Muslim iyo Asxaabta Sunanka ayaa soo weriyey).
Cabdullah bin Sarjis wuxuu yidhi: “Nin ayaa Masjidka soo galay iyadoo Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam uu salaaddii Subax tukinayo. Ninkii laba rakcadood ayuu Masjidka dhinaciisa ku tukaday, kabacdina intuu Masjidka soo galay ayuu salaaddii salaaddii Salallaahu caleyhi wasalam Rasuulku Markuu. qabsaday ku Salallaahu caleyhi wasalam Rasuulka dhameeyay ayuu ninkii ku yidhi: “Hebelow labada salaadood iyamaad tirsanaysaa, ma taad kelidaa tukatay mise taad nala tukatay?” (Muslim, Abuu Daa'uud iyo anNasaa'i ayaa soo weriyey).
Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam wuu inkiray arrintaa hase ahaatee, muu farin ninkaa inuu salaadda ku celiyo. Taasu waxay ina tusaysaa inay saTaasu waxay ina tusaysaa inay salaaddaasu ansaxayso, laakiin ay makruuh tahay. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: “Anoo tukanaya maalin iyadoo Mu’adinku uu Iqaamada bilaabay, ayuu Nebiga Alle Salallaahu caleyhi wasalam isoo jiiday iguna yidhi: “Ma waxaad rabtaa inaad afar rakcadood tukato salaadda Subax.” (AlBayhaqi, ad-Dabaraani, Abuu Daa'uud, ad-Dayaalisii iyo Abuu Yaclaa ayaa soo weriyey iyo al-Xaakim oo yidhi waa ku saxiix qiyaasta labada Sheekh).
Abii Muusaa al-Ashcariyi (Ihkra) waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa arkay nin tukanaya Sunnihii salaadda Fajarka iyadoo uu Mu’adinku adimayo. Markaasuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ى ninkii xusulada ka taabtay kuna yidhi: “Miyaanay tani1 ka horaynin taad waddo?” (Ad-Dabaraani ayaa soo weriyey, al-Ciraaqina wuxuu yidhi sanadkiisu wuu fiican yahay).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630204
Today
Yesterday
All days
913
1745
1630204
2026-04-03 10:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf915d2f35411956770271775210845
title_69cf915d2f3a518187727541775210845
title_69cf915d2f3f210581330321775210845
title_69cf915d2f43e5134052361775210845
title_69cf915d2f4b0607638631775210845
title_69cf915d2f4fd3652002511775210845

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf915d426bc11294913981775210845
title_69cf915d4270f90747571775210845
title_69cf915d4275e10263392731775210845
title_69cf915d427ab5017126291775210845

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com