FADLIGA EEDAANKA:
Fadliga Eedaanka iyo Mu'adinka Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay oo ay ka mid yihiin kuwa xoos ku xusan:
1. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu dadku og yahay fadliga ku jira Eedaanka iyo safka salaadda ugu horeeya, way u tartami lahaayeen, xattaa hadday waayaan si kale oo ay ku kala baxaan inay u qori-tuurtaan mooyee way u qori tuuran lahaayeen. Haddii ay og yihiin ajarka ku jira marka salaadda Duhur waqtiga ugu horeeya la tukado way u tartami lahaayeen. Haddii ay og yihiin ajarka ku jira salaaddaha Cishaha iyo Subaxda marka jamac lagu tukadana way iman lahaayeen (jamaca) xattaa haddii ay noqoto inay guguurad ku yimeedaan haddii ay si kale kari waayeen.” (Al-Bukhaari iyo qaar kale ayaa soo weriyey).
2. Mucaawiyah waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Maalinta Qiyaamaha dadka waxa ugu qoor (luqun) dheer Mu'adinka.” (Axmad, Muslim iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
3. Al-Barraa’ bin Caazib waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Alle iyo Malaa’iigtiisu way ku salliyaan safka hore. Mu’adinkana waxa loo dembi dhaafaa intuu codkiisu gaadho. Wixii qoyan iyo wixii qallalan ee maqlaaba way u marag furaan. Ajarkiisuna wuxuu la mid yahay midka dadka la tukada.” (Al-Mundiri wuxuu yidhi Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa sanad fiican ku soo weriyey).
4. Abii Dardaa’ isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo leh “Saddexdii qof ee aan addimin salaaddana aan oogin shaydaanka ayaa muquuniya.” (Axmad ayaa soo weriyey).
5. Abii Hurayra isaguna wuxuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa yidhi: “Imaamka waa la damiintay, Mu’adinkana waa la aaminay. Ilaahayow imaamyada toosi, kuwa addimana u dembi-dhaaf.”
6. Cuqbah bin Caamir (Ihkra) wuxuu isna yidhi: Waxaan maqlay Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam oo leh: “Rabbigaa korreeye wuxuu la yaaba (isagoo ka raali ah) ninka buur fiiqeed isagoo adhi ku raacaya salaadda u addima ee tukada. Wuxuu Alle وجد ف yidhaahdaa: Eega addoonkaygaa addimay ee salaadda oogay isagoo iga cabsanaya! Waan u dembi dhaafay addoonkaygaa Jannadana waan geliyay.” (Axmad, Abuu Daa’uud iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630204
Today
Yesterday
All days
913
1745
1630204
2026-04-03 10:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf915d2f35411956770271775210845
title_69cf915d2f3a518187727541775210845
title_69cf915d2f3f210581330321775210845
title_69cf915d2f43e5134052361775210845
title_69cf915d2f4b0607638631775210845
title_69cf915d2f4fd3652002511775210845

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf915d426bc11294913981775210845
title_69cf915d4270f90747571775210845
title_69cf915d4275e10263392731775210845
title_69cf915d427ab5017126291775210845

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com