WAQTIGA MAQRIBKA :

Salaadda Maqribku waxay bilaabantaa markay cadceeddu godka gasho, ilaa intuu cirku guduud yahay ee aan mugdina wali soo gelin. Cabdullah bin Camr (Ihkra) wuxuu sheegay inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waqtiga salaadda Maqribku waa cadceeddu markay godka gasho ilaa intaan mugdigu soo gelin.” (Muslim ayaa soo weriyey).

Abii Muusaa isagana waxa laga soo weriyey inuu nin Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ka weydiiyey waqtiyada salaadda wuxuu ninkii u sheegay Xadiis ay ku jirto: Wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam amray in salaadda Maqribka la aqiimo markay cadceeddu godka gashay. Maalintii labaadna dib ayuu u dhigay oo wuxuu amray in la aqiimo markuu guduudka cirku sii dhamaanayey. Wuxuu yidhina: Waqtiga salaadda Maqrib wuxuu u dhexeeyaa labadaa waqti.”

An-Nawawii wuxuu ku sheegay sharaxiisa Saxiix Muslim: Asxaabta Shaaficiyadu baadhitaan ay arrintaa ku sameeyeen wuxuu sheegayaa in la tukan karo salaadda Maqribka ilaa inta uu cirku guduudan yahay. Sidoo kale, waxa bannaan in salaadda la bilaabo waqti kasta oo intaa ka horeeya. Dembina kuma jiro in dib looga yara dhigo salaadda Maqrib waqtigeeda ugu horeeya. Sidaas ayuu saxu yahay. Xadiiska aan hore u soo sheegnay ee Malak Jibriil uu Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam tukiyey salaaddii Maqrib labada maalmoodba isku waqti oo ahaa markay cadceeddu godka gashay, wuxuu ina tusayaa inay mustaxab tahay in Maqribka la dedejiyo. Axaadiis kale ayaa iyana sidaa caddaynaya oo ay ka mid yihiin:

1. As-Saa’ib bin Yaziid waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Ummadaydu way ku sugnaan Fidrada ilaa intay Maqribka tukanayaan xiddigaha oo aan wali soo bixin.” (Axmad iyo ad-Dabaraani ayaa soo weriyey .

2. Abii Ayuub al-Ansaariyi isagana waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Tukada Maqribka marka qofka soomani afuro intaan xiddiguhu soo bixin.” (Axmad ayaa Masnadkiisa ku soo weriyey).

3. Raafic bin Khadiij isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Markaanu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam Maqrib la tukano ee aanu dhamaysano qofka naga mid ahi wuu arki kari jiray meesha uu leebkiisu ku dhacayo.” (Muslim ayaa soo weriyey).

4. Sidoo kale, Salamah binul Akwac waxa laga soo weriyey: “Inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam tukan jiray Maqribka markay cadceeddu qarsoonto ee ay godka gasho.” (Muslim ayaa soo weriyey).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630204
Today
Yesterday
All days
913
1745
1630204
2026-04-03 10:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf915d2f35411956770271775210845
title_69cf915d2f3a518187727541775210845
title_69cf915d2f3f210581330321775210845
title_69cf915d2f43e5134052361775210845
title_69cf915d2f4b0607638631775210845
title_69cf915d2f4fd3652002511775210845

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf915d426bc11294913981775210845
title_69cf915d4270f90747571775210845
title_69cf915d4275e10263392731775210845
title_69cf915d427ab5017126291775210845

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com