WAQTIGA DUHURKA :
Labadaa Xadiis ee aan kor ku soo sheegnay waxay caddaynayaan inuu salaadda Duhur waqtigeedu bilaabmo markay cadceeddu dhinaca galbeed u yara dhaafto cirka badhtantiisa, ilaa inta shay walba dhererkiisa iyo hadhkiisu ay is le'kaanayaan. Haddii ay aad u kulushahay waxa bannaan in salaadda dib loo dhigo intay yara qaboobayso, si aan dadka khushuucu uga lumin salaaddana aan loo dedejin. Anas waxa laga soo weriyey inuu yidhi: “Haddii ay aad u qabowdahay Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam salaadda Subax goor hore ayuu tukan jiray, haddii ay maalintu aad u kulushayna salaadda Duhur dib ayuu u yara dhigi jiray intay qaboobayso.” (Al-Bukhari ayaa soo weriyey).
Sidoo kale, Waxa laga soo weriyey Abuu Darr (Ihkra) inuu yidhi: “Mar aanu safar u raacnay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo uu Mu'adinki u kacay inuu addimo ayuu Rasuulku ku amray inuu u kaadiyo Eedaanka ilaa intay qaboobayso. Mar labaad markuu isku deyay inuu haddana addimo wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam ku celiyay laba ama saddex goor u kaadi ha qabowdee, ilaa aanu aragnay hadhkii gumburaha (taagagga dhulka) oo soo rogmaday, kolkaasuu haddana yidhi: Kulaylka laxaadka badani waa bukhuurkii (neefsashada) Naarta, haddii ay aad u kululaato salaadda u kaadiya intay qaboobayso.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Intee dib loo dhigayaa: Imaam al-Xaafid wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Fatxul-Baari in ra'yiga culimada ee xadidaya inta salaadda Duhur dib loo dhigi karaa uu kala gedisan yahay. Culimada qaarkood waxay yidhaahdeen waxa dib loo dhigayaa salaadda Duhur ilaa inta shay walba uu hadhkiisu dhudhun qof le'ekaanayo. Qaarna waxay yidhaahdeen ilaa inta hadhku dhererka shaygaa rubucii le'ekaanayo, qaarna nus ama saddex daloolow hal dalool (1/3) iwm,. Hase ahaatee, waqtigaasu wuxuu ku xidhan yahay kulaylka laxaadkiisa, lamana ogola in salaadda dib loo dhigo ilaa intuu Casarku soo gelayo ee waa in Casar ka hor la tukado.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com